Xog cusub: Doorashada Galmudug oo ay dhici karto in looga adkaado dowlada

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka soconaya loolan xoogan oo siyaasadeed, kaasoo looga soo horjeedo Dowladda Federaalka Somaliya, oo iyadu wadato musharax ay la dooneyso inuu ku soo baxo Doorashada Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.

Villa Somalia ayaa waxay wadataa Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), iyadoona muruq iyo maal badanba ku bixisay, sidii uu ninkaasi ugu guuleysan lahaa jegada Madaxweynaha xigga ee Maamulka Galmudug.

Wakiilada metelaya Siyaasiyiinta Xisbiyada KMG ee dalka ka jira ayaa waxay Magaalada Dhuusamareeb ka wadaan kulamo liddi ku ah dadaalada, ay Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Somaliya ugu cadaadinayan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, sidii ay u soo dooran lahaayen musharaxiinta ay gadaal ka taagan tahay dowladda.

Kulamadan ayaa waxaa qayb ka ah kuwo kale oo Odayaasha Dhaqanka ka wadaan Xarunta Maamulka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb, odayaashu ayaana mooddaa inay ku soo baraarugeen fara-gelinta baahsan, ee wiiqday dhismaha maamulkan.

Inta badan Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa waxay u muuqdaan kuwo ka soo horjeeda gacan bidixeenta lagu hayo in la dhiso Galmudug la wada leeyahay. Sida la soo warinayo waxay Xildhibaanada ku qancinayan in la badbaadiyo Galmudug.

Odayaasha Dhaqanka Galmudug ayaa mar sii horeysay waxay Madaxda Qaranka ku dhaliileen inaanay ahayn kuwa dam-qabanaya dheg xumida xargaha goysatay, ee ka soo yeeraysa Magaalada Dhuusamareeb.

Nabadoono uu ka mid yahay Nabadoon Maxamed Xaashi ayaa waxay ka diggeen in Galmudug ay marto wadadii saddex iyo toban bilood ka hor martay doorashadii Koonfur Galbeed, taasoo lagu soo doortay madaxweyne ku shaqeeya afkaarta Villa Somalia.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe ka dhisan oo muddooyinkanba ay is hayeen Villa Somalia ayaa toddobadkan bilowday barnaamij ay gacan-saar kula yeelanayso dhinacyada hardanka culus kula jira Dowladda Dhexe, waxaana hadafkeeda lagu sheegay, sidii jaanta dowladda looga reebi lahaa jidka lagu gaarayo Xafiiska Madaxtooyada Galmudug.