XOG Cusub:Shaqsiga badali doono Xaaf oo la ogaaday kasoo udhashay beesha….

Shabakada Badweyn.com ayaa heshay xog kusaabsan shaqsiga nabad iyo nolol kadhigi donaan madaxweynaha maamulka Galmudug oo dhawaan lagu wado in doorashadiisa dhacdo.

Xogta Badweyn.com heshay ayaa shegaayo in ra’isulwasaare Kheyre oo damacsanyahay in madaxweynaha cusub maamulka Galmudug kadhigo Wasiiru dowlaha Howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) kasoo ah shaqsi haatan siweyn ugu dhow.

Wasiiru dowlaha Howlaha guud iyo guryenta Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa kamid ah siyaasihiinta kasoo jeedo magaalada Cadaado wallow beeshiisa siweyn u saluugsantahay sida wax usocdaan.

Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) ayaa ah difaac mar waliba lagu horgooyo xildhibaanada mucaaradka ah kuwooda kasoo jeedo beesha habargidir madaama siweyn siyaasada ugu loolamaan.

Isku soo wada duub la arki dooneey halka oo ku danbeeyo xaalka galmudug wallow mucaaradka dowlada ayagana wataan shaqsi.