XOG: Dagaal Siyaasadeedka Cusub Ee Banaanbaxa Khamiista Rooble & Farmaajo

Maanta waxaa si cad maamulka gobolka banaadir ay umamnuuceen in banaanbax aysan iyaga ogeyn ka dhici karin Muqdisho taas oo aad loo hadal hayey iskusoo baxaasi.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa faray taliyaha Booliska gobolka Banaadir General Farxaan Qaroole in la hor istaago isku soo baxaasi oo ay mucaaradka diyaariyeen.

Dagaal siyaasadeed cusub ayaa ka dhex qarxi doona Rooble & Farmaajo marka loo eego dibad baxa la diyaarinayo oo midna diidan yahay inuu dhaco midna ogolaaday.

Inkastoo la ogaan karin cida heli doonta libinta dibad baxa inuu dhaco ama la baajiyo hadana waxaa laga digayaa in qalalaase Xamar loo horseedo iyadoo dano siyaasadeed la fulinayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Gudoomiye Cumar Filish faray in aan la qaban karin banaanbax aysan ogeyn waana mida amarka soo baxay maanta lagu sheegay.

Waloow Xafiiska Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo laga soo dhaweeyey natiijada kasoo baxday shirkii golaha wadatashiga qaran ee Axadii lasoo gaba gabeeyey hadana waxaa la rumeysan yahay inuu fashilinta qodobadaas shirka laga soo saaray uu ku mashquulsan yahay.

Beesha caalamka iyo shacabka ayaa ku baaqay in doorashada tahay waxa lagu bad baadayo in la dhameystiro dalkana la gaarsiiyo meel wanaagsan.