XOG: Dalka ay ka timid lacagta uu Deni ku riday Dhoobo Daareed oo la shaaciyey

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa ku guuleystay in uu meesha ka saaro afhayeenkii baarlamaanka maamulkaas.

Cabdixakiim Dhooba Daareed ayaa lagu ridday mooshin ay Madaxtooyadda abaabushay isla markaana maalgelisay.

Sidda aad kula socoteen wararkeenii hore, Deni ayaa ku bixiyey mooshinka aduun lacageed dhan tobban milyan oo Doollar-ka Mareykanka ah.

Lacagtaas ayaa waxay ka timid dalka isku taaga Imaaraadka Carabta isla gudaha todobaadkan, sida aan xogta ku helayno.

Warbixinadda ayaa daboolka ka qaadaya in lacagtaas ay qayb ka ahayd balanqaad uu Deni ka helay Abu Dubai, taasoo shuruud looga dhigay in uu meesha ka baxo Dhoobo.

Dhooba Daareed ayaa aad loola xiriiriyey xukuumadda Nabad iyo Nolol, waxaana qorshuhu ahaa in uu qabto mooshin lagu riddayo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.