Xog deg deg ah: Xukuumada Cusub & Magacyo Aan Helnay

Sida laga yaabo caawa ayaa lasoo magacaabayaa Xukuumada cusub Ee Dalka iyadoo Isha lagu wada hayo sida ay wax udhici doonaan.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa soo gaba gabeeyey maalmo ka hor wadatashiyo uu sameenayey.

Liiska Golaha Wasiirada ayaa diyaarsan waxaa ka dhiman in faafinta rasmiga la geliyo oo la shaaciyo.

Wasiiradii hore qaarkood ayaa soo laaban doona,sidoo kale waxaa lasoo sheegayaa in siyaasiyiin Caan ah ay soo geli doonaan Xukuumada Cusub.

Warqaad ayaa heshay Magacyada Wasiirada Cusub:

Wasiirka Gaashandhiga
Abduqaadir Maxamed Nuur Jaamac

Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha Cali Yare Cali

Wasiirka Tamarta & Macdanta
Xasan Cabdi Nuur

Wasiiru dowlaha Wasaarada Amniga Soomaaliya Aadan Cabdinaasir

Waxaa macquul ah in wax walbo isbadel ku imaan karo balse Magacyada iyo xilalka Wasaaradaha Qaar sida loo qorsheeyey ayaan idinka wadaagnay.