Xog Dheeraad Ah Kulanka Xalane Ku Dhexmaray Shariifka & Safiirka Mareykanka

Waxaa maanta magaalada muqdisho kulan ku yeeshay Hogaamiyaha xisbiga Himilo Qaran Ahna sidoo kale Gudoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Safiirka Mareykanka ujooga Soomaaliya Donald Yamamoto.

Kulanka ayaa ahaa mid ka dhacay Xarunta Xalane,iyadoo Arimo dhowr ah lagu soo hadal qaaday,Is hortaagii Shariifka la kulmay labada jeer,Dawlada oo Eedeyn ka dhan ah Meesha ka sheegay balse uu sheegay inaysan iyagu Dawladnimada bur burinteeda usocon.

Waxa uu Shariifka sheegay inay Mucaarad wax dhisaya ay yihiin balse sida ay dareemayaan Dawlada ay wado ka bad badis iyo Sharciga dalka ay ku xad gudbeyso.

Arimaha Doorashooyinka Dalka ka dhacaya ayuu sheegay in Kulankaasi looga hadlay ayna fikirkooda soo gudbiyeen xilliga loo ballamay inaysan ka dib dhicin.

HOOS KA AKHRISO QORAAL MAQRIBKII SHARIIFKA SOO DHIGAY BARTIISA

Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto oo aan ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga 2020/2021.

Waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya, iyada oo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda.

Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado.