XOG: Dhooba Daareed oo xabsi guri la dhigayo iyo sababta oo la ogaaday

Mas’uuliyiinta sarre ee maamulka Puntland ayaa amar ku bixiyey in xabsi guri la dhigo afhayeenkii baarlamaanka, Cabdixakiim Dhooba Daareed.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in tani ay ka dambeysay markii uu soo baxay qorshe uu damacsan yahay oo ah in uu hadlo.

Illo wareedyo ayaa qeexaya in xukuumadda ay gedaal ka riixeyso xabsi guriga la gelinayo Dhooba Daareed oo ganacsade caan ah.

Dhooba Daareed ayaa xilka laga qaaday markii uu khilaaf soo kala dhex-galay isaga iyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sikastaba ha ahaatee, maamul goboleedka Puntland, ayaa u muuqda mid galaya xaalad kacsanaan siyaasadeed taaso oo Nabad iyo Nolol faa’iido u ah.