XOG: Fadeexad culus oo soo wajahday Wasiir Khadiijo & mashruucii dhalinyarada oo la leexsaday

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa lagu eedeeyay iney gacan midxeysay mashruucii loogu talagalay in lagu horumariyo dhalinyarada Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada Muqdisho oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney fursad u heli waayeen iney qeyb ka noqdaan horumarinta iyo sare u qaadista tayada dhalinyarada Soomaaliyeed ee ay wado Wasaaradda dhalinyarada Ciyaaraha Qaranka Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in Wasiir Khadiijo ay qoratay dhalinyaro dibada laga keenay oo qaarkood isku heyb ay yihiin,islamarkaana dhaqaalo fara badan oo ah qoondadii xaqa u lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee gudaha joogta ay Hotelo ku degan yihiin,kuwaasi oo shirweynaha dhalinyarada Soomaaliya ee ka socda Muqdisho ka qeyb galaya.

“Hoggaan dhalinyaro ah oo fahma baahideena ayaan u baahanahay,Wasiir Khadiijo looguma talagelin waasaaradan waayo ma jiraan wax muuqdo oo ay u qabatay dhalinyarada Soomaaliyeed oo ay mas’uulka ka tahay,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada hoggaanka u ah Urur dhalinyaro oo ka dhisan Muqdisho.

Wuxuu sheegay in laga been sheegay magaca dhalinyada looguna yeeray Milkiilayaasha Dowladda,balse ma muuqato mana laga dhabeyn midddaasi,ayuu hada hadalkiisa sii raaciyay.

Wasiir Khadiijo ayaa la aaminsan yahay iney tahay mid ka mid ah wasiirada ugu saameynta badan xukuumadda Kheyre,kuwaasi oo aan la taaban karin xitaa hadey waxay doonaan sameeyaan.