XOG: General Odawaa oo taleefoonka kula xiriiray sheekh shaakir & dalab uu hordhigay

Taliyaha ciidamada xoogga soomaaliya general odawaa yuusuf raage oo shalay gaaray dhuuso mareeb ayaa lasoo sheegayaa inuu wado kulamo gaar gaar ah.

Inkastoo si cad loo ogeyn ujeedkiisa galmudug taliyaha utegay hadana xogta Badweytims  ogaatay ayaa sheegeysa in Taliye odawaa uu isku dayayo sidii ay dib ugu soo ceshan laheyd gaari dagaal oo ahlusuna ku qabsatay dagaalkii labo todobaad ka hor ka dhacay deegaanka Bohol.

General odawaa ayaa taleeofonka kula hadlay saacado ka hor Hogaamiyaha Ahlusuna Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan isagoo ka codsaday in gaarigii ciidanka dawlada ka qabsadeenk usoo wareejiyaan.

Lama oga sida ay dalabkaasi uga soo fal celin doonto Ahlusuna iyadoo dhiilo colaadeed oo udhaxeysa Dawlada oo garab siineysa ciidanka daraawiishta galmudug ay wajahayaan Ahlusunada kusugan guriceel.

Xubno ka ag dhaw sheekh shaakir waxay sheegeen in aysan ka hadli karin waxay ku kala tegeen sheekh shaakir iyo taliye odawaa oo taleefoonka kuwada hadlay.

Madaxweynaha galmudug Axmed Cabdi Kaariye (qoor qoor) ayaa waxa uu qorsheynayaa inuu dagaal toos ah la galo Ahlusuna si uu meesha kaga saaro awoodooda iyo guriceel oo dib looga riixo.