XOG: Hoggaanka musharaxiinta oo ka wada maqan dalka & Qorshaha Villa Somalia ee Doorashada

Inta badan Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka maqan Muqdisho, xilli muran xoogan uu ka jiro Doorashada, kaas oo mucaaradka iyo Dowladda Federaalka ay isku fahmi la’ yihiin.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa kala aaday Kenya, Tanzania iyo UAE waxaa horay magaalada uga maqnaa C/raxmaan C/shakuur, Dahir Geelle, C/kariim Guuleed iyo Dr. C/naasir oo dhammaantood ku sugan Nairobi.

Madaxweynyaashii hore Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa iyagana waxay shalay u kala duuleen  Darasalam-Tanzania iyo Dubai oo qoysaskooda ay degan yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ka biyo diidan inuu la fariisto madaxda maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda si la iskula meel dhigo doorasho wadar ogol ah oo dalka ka dhacda sanadkan 2021.

Xubnaha Beesha caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wada dadaaladii ugu dambeeyay ay ku xalinayaan khilaafka Doorashada, waxayna kulan isugu balamiyeen madaxda Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Dhinaca kale, Kulan saacado badan qaataya ayay Madaxda Shanta Maamul goboleed ku yeesheen khadka taleefoonka, iyaga oo ka wada hadlay sidii xal looga gaari lahaa Arrimaha muranka ee la xiriira doorashooyinka.

Wararka horudhaca ah ee kulankaasi laga helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxda Dowlad goboleedyada ay muujiyeen xoogaa isku soo dhawaansho ah maadaama ay ku kala ragti duwanaayeen Arrimaha doorasooyinka dalka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka koonfur Galbeed oo qaatay dooriisa ku aadan dhex-dhexaadinta ama sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashooyinka ayaa isku keenay Madaxda Dowlad goboleedyada, halka Xubno uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Amb, Jemis Swan ay dhankooda wadaan dadaalo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka.