XOG: Jufada Axmed Madoobe xubno ka socday Oo Farmaajo Kulan gaar ah la qaatay

Sida ay Badweyn ogaatay waxaa Xarunta Villa Soomaaliya kulan ku yeeshay Xubno ka socday jufada uu ka dhashay Axmed Madoobe waxaana soo baxaya warar is khilaafsan kulankaasi iyo waxa uu kusaabsanaa.

Beesha Reer Cabdulle Jufada Reer Warfaa Ee Axmed Madoobe ka dhashay ayaa la sheegay in shakhsiyaad ka socday ay ballan loo qabtay kadib utageen si ay ula kulmaan Madaxweyne Farmaajo.

Shirkaas ayaa waxa looga hadlay Arimaha siyaasada Jubbaland,taakada Dawlada Dhexe ay saartay iyo sida loo sameyn karo isku tanaasul muuqda.

Maxamed Cabdi Tarax oo xubnahaasi Farmaajo la kulmay hogaaminayey ayaa la sheegay in uu soo jeediyey in Xaalada la qaboojiyo ayna usocdaan wada hadal ay ka dhex abuuraan isaga iyo Axmed Madoobe.

Xogta la helayo ayaa aad ukooban marka la eego sida loo xakameeyey in la helo shirka iyo waxa la isku afgartay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Odayaasha iyo siyaasiyiinta la kulmay Farmaajo ay ugudbiyeen hadii Axmed Madoobe meesha ka baxo ay keensan doonaan Qof Jufadaas ah oo Jubbaland sii hogaamiya,inkastoo waxa la isku afgartay la ogaan.

Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa ka hor timid Natiijada Doorashadii Axmed Madoobe mar kale kusoo baxay 22-kii Agoosto Ee sanadkaan.