Xog Ku Saabsan Shabaab Sida Fudud U Weerareen Dhuuso mareeb & Kismaayo

Waa Arin Ugub ku ah Shabaab weerarada ay ka fuliyeen 36 Saac gudaheed Labo weerar Magaalooyinka Kismaayo iyo Dhuuso mareeb.

Jimcihii ayey Gelinkii Dambe Shabaab weerar ka geysteen Degmada Kismaayo oo Caasimada Kumeel gaar ah u ah Jubbaland.

Waa mid ay ku cusbeyd Reer Kismaayo weerar ismiidaamin ah kadibna laga dhex dagaalamo Xarun ku taalla Magaaladaasi.

Weliba weerarkaasi waxa uu qaatay muddo kusiman 12 Saacadood,taas oo ka dhigneyd in dad badan ay ku waayeen dad Qiimo iyo maqaam sare ka joogay agtooda.

Dadka la xusi karo ee Laga samri waayey weerarkaasina ku baxay waxaa ka mid ah Gabadhii Hodan Naaleeye oo Arimaha is dhex galka Bulshada caan ku aheyd,Wariye Gacmo dheere Oo Reer Kismaayo Aad ugu yaqaaneen Tabinta Wararka Deegaanka iyo Murashax Shuuriye Oo Jubbaland utartami lahaa dhawaan Doorashada dhaceysa.

Weerarkaasi mid hore looga bartay Kismaayo ma aheyn,waxaana la bilaabay baaritaan ku aadan sida loo fududeeyey iyo Koontaroolada Qaraxaasi uu kasoo gudbay.

Sidoo kale waxa maanta qaraxii ismiidaamin ee ka dhacay Dhuuso mareeb uu muujinayey in Ahlusunada Galmudug ku biiray ay dabac Amni sameeyeen.

Dhuuso mareeb iyo Guriceel waxay ka mid ahaayeen kuwo aad loola socday Amnigana loo adkeeyey Muddo Fog oo dadka Damiin ay magaalada ku geli jireen hadii la weji aqoonsan.

Qaraxa dhuuso mareeb ayaa laga dhex dusiyey oo la sheegayn Shabaab ay fursad weyn ka heleen sidaana ay ku beegsadeen meel maqaaxi aheyd oo dad shicib ah joogeen.

Warar ayaa sheegaya in Xafiiska Sheekh Shaakir oo ah madaxa Xukuumada Galmudug uu meesha ka dhawaa,weli lama sheegin dhimasho qaraxa ka dhashay marka laga soo tego Shabaabkii ismiidaamiyey.

Hadaba waxay Al Shabaab muujiyeen inay meel ka xiran jirin oo ay Qaraxyo ka fulin karaan Dalka meel walbo oo ka mid ah hadii horay uqarxiyeen Madaxtooyada Dalka looga taliyo iyo inta badan gobollada.

Kismaayo iyo Dhuuso mareeb waxay ka caaganaayeen Qaraxyada ismiidaaminta ah iyo weerarada tooska loo dagaalamo ay Shabaab caanka ku ahaayeen.