XOG: Lafta gareen Oo Seeftiisa Gasha Kala Baxayo,Xilli Wasiirada Ay…

Sida ay Badweytims  Ogaatay waxaa laga yaabaa in isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha Wasiirada Dawlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Siyaasiyiin iyo ilo lagu kalsoon yahay oo ay Badweytims ka heshay Xogtaan ayaa sheegaya in Isku shaandheynta qaarkood Wasiirada ku waayi doonaan Xilalkooda.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha KGS Ibraahim Cali Najax ayaa laga yaabaa in la geeyo Booska Wasaarada Maaliyada iyadoo Ciyaaraha laga wareejin doono.

Inkastoo wax walbo isbadeli karaan hadana waxaa ay tani qeyb ka noqoneysaa isku shaandheyn badan uu sameeyey mudada Sanadka iyo dhowrka Bil Madaxweyne C/casiis Lafta gareen oo 2018-kii Bishi December la doortay.

Dhaq dhaqaaqyad ugu dambeeyey Ee Isku shaandheynta ayaa la leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed damacsan yahay ayaa laga dareemayaa Madaxtooyada Baydhabo.