XOG: Madaxweyne Deni oo Jaan Iyo Cirib Meel uu Dhigay Lawaayay!

Warar Lagu Kal Soonaan Karo oo Ay Heshay Wakaalada Wararka Badweyntimes ayaa Sheegaya In La’layahay Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni oo inkabadan 13-maalin Kamaqan Dalka iyadoo Uu Safar Ku’aaday dalka Iskutaga Imaaraadka Carabta 23 Bishii Lasoodhaafa. Madaxweyne Deni oo Intabadan Usafra Wadanka Iskutaga Imaaraadka Carabta oo Uu Kuleeyahay Ganacsiyo waaweyn Iyo Sheerar Kaladuwan ayaan Warbaahinta Kasoomuuqan Inkabadan 13-maalin Arintaas oo keentay walaac Ku’aadan Maqnaanshiyaha Madaxweyne Deni. Dhanka Kale Saraakiil Katirsan Maamulka Puntland oo aan Laxiriirnay ayaa Kagaabsaday Maqnaanshiyaha Madaxweynaha. Waa Markii Ugu Horeysay ee Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni Uu Dalka Kamaqnaado inkabadan 10-maalin tan Iyo Markii Xilka Loodhaariyay.