XOG: Madaxweyne Xaaf Oo Mar kale soo laba kacleeyey Xaalada Galmudugna Ka Hadlay

Madaxweynaha Galmudug Ee Muddo Xileedkiisa sii dhamaanayo Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa waxa la sheegay in uu markaan fariin udiray Madaxda Ahlusunada Gobollada Dhexe.

Inkastoo Ahlusuna magac ahaan uu jiro hase ahaatee ay Ku biireen Galmudug kol hore waxa uu Xaaf sheegay inay ugu baaqayaan geedi socodka iyo Galmudugta cusub Ee lasoo dhisayo ka qeyb qaataan.

Madaxweyne Xaaf ayaa waxa uu Muqdisho kula hadlay dad deegaanka Galmudug kasoo jeeda isagoo sheegay in aysan muhiim aheyn carqalad iyo is hortaag lagu sameeyo maamulka la dhisayo.

“Ahlusuna waxay mudan yihiin sharaf iyo karaamo,intii ay deegaanadaas gacanta ku hayeen nabad iyo islaax bulsho ayaa ka dhigteen,balse Nidaamka Dawladeed ha hor istaagina,ayuu yiri Xaaf”.

Waxa uu sheegay in Wasaarada Arimaha Gudaha Soomaaliya ay hadda howsha maamul usameynta gacanta ku heyso iyadana looga dambeyn doono dhismaha galmudugta cusub.

Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxa uu hadda yahay mid sii haya Xilka Galmudug kadib heshiis dhaqaale uu ka helay Villa Soomaaliya kana tanaasulay inuu doorashada ka qeyb galo.