XOG: Nabad iyo nolol oo guul weyn ka gaartay doorashada Soomaaliya

Dib udoorashada Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye & Xildhibaan Aamina Cumar Jaamac ayaa ka dhigan awood siyaasadeedka ay lasoo baxday Nabad iyo nolol oo Kuraas muhiim ah ilaa hadda ka heshay Baarlamaanka Aqalka sare & Kuraasta Golaha Shacabka.

Wasiirkii hore Ee Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa muddo bilo ah oo xitaa xilkiisa wasiirnimo uu ku waayey la galay Nabad iyo nolol.

Hase ahaatee waxa laga heshiiyey mad madowgii jiray taas oo sahashay in dib udifaacashadiisa kursiga xildhibaanimo Maareeye lagala shaqeeyey.

Xildhibaan Aamnina Cumar Jaamac oo Golaha shacabka kasoo gashay deegaan ahaan Gobolka Tog dheer ayaa ka mid aheyd mudayaashii aadka utaageeray muddo kordhintii bishii April aadna waxay ula dhacsan tahay hab fikirka Nabad iyo nolol.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo maanta Baydhabo gaaray ayaa ah xiddig kale oo Nabad iyo nolol ay kala shaqeeneyso in kursigiisa dib loogu doorto.

Inkastoo warar soo baxay todobaadkani sheegayeen walaac cusub oo tilmaamayey in culeys la saari karo Mursal kursigiisana shakhsi kale beeshiisa ay geysan karto.

Marka aan eegno Awood siyaasadeedka Nabad iyo nolol dhinaca Galmudug iyo kuraasta taalla,Kursiga ugu miisaanka culus ee la isku hayo waa kan Hop067 oo Yaasiin Fareey Kusimaha Agaasimaha Hay’ada NISA la rabo in lagu soo saaro.

Qeylo dhaan ayaa ka timid beesha kursigaasi iska leh,iyadoo Cadoow Cali Gees oo sanado xildhibaan soo ahaa sanadkaan uu iskaga haray inuu tartanka galo maadaama beesha ay ku dhegtay.

Saameynta muuqata Ee kursiga Hop147 ayaan isna aheyn mid dab yar shidi doonin,kala xulashada Mahad Salaad iyo Cali Cabdi Wardheere ayaana adkaan doonta,Mahad Maxamed Salaad oo kursigaan inuu difaacdo doonaya ayaa sambaatiyo ka diyaarsaday Nabad iyo nolol oo ay hore isku diidanaayeen Siyaasad ahaan,waxa uu Mahad bishii october dagaalkii Guriceel ka dhacay Ee Ahlusuna lala galay uu muujiyey in uu yahay mid Dawladnimada ka difaacayo cidii kasoo hor jeesata.

Dhankiisa Cali Yare oo Afar sano iyo bar kadib ka ag dhawaa Madaxweyne Farmaajo ayaa weli ka tanaasulin hankiisa kursiga Mahad Salaad,shalay ayuu Muqdisho kusoo laabtay maalmo kadibna Dhuuso mareeb ayuu tegi doonaa,isagoo sheegay in sanadkaan Labo Guulood rajeynayaan,warkiisana loo fasiran karay in Xildhibaanada uu raadinayo rajo ka qabo.

Jubbaland iyo Puntland kuraasta taalla Ee nabad iyo nolol ayaa laga yaabaa in cadaadis laga geliyo maadaama Madoobe iyo Deni ay yihiin xulashada mid iyaga ka imaan doonta shakhsiyaadka lasoo saarayo.

Mucaaradka ayaa sida ay wax usocdaan dhaliil ka keenay,hase ahaatee waxay xaaladu umuuqataa mid aan la saadaalin karin sida ay wax ku dambeyn karaan,balse sida ay wax usocdaan waa sidii Nabad iyo Nolol dooneysay.