XOG: Qorshe halis oo uu Axmed Madoobe la damacsanaa Gedo oo laga horyimid

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ku eedeeyay inuu doonayo bur burinya maamulkaas oo bah wadaag ay ku yihiin saddexda gobol ee Labada Jubbo iyo Gedo.

Siyaasiyiintan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu dadaal iyo dhaqaalaba uu ku bixinayo sidii loo kala qeybin lahaa siyaasiyiinta gobolka Gedo,kuwaas oo inta badan la safan Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa madaxtooyada Soomaaliya ku eedeeyay iney khas ka wado gobolka Gedo,islamarkaana ay ka sameyneyso maamul aan hoostagin midka Kismaayo.

Maamul cusub ayaa dhawaan loo magacaabay gobolka Gedo kaas oo si toos ah u hoostagaya Dowladda Federaalka,waxaana tallaabadaas waxba kama jiraan ku tilmaamay Maamulka Jubbaland.