XOG: Qorshe uu Farmaajo ku dhegan yahay oo laga digay inuu Khatar geliyo amniga dalka

Villa Soomaaliya ayaa wali ku dhegan doorasho qof iyo cod ah, arrintaas oo sida la sheegayo mudo kororsi ku dedan tahay, maadaama waqti badan uusan harin,waxayna maamulada diiday qorshahaas ku baaqeen nooc doorasho oo lagu heshiiyay.

Siyaasiyiinta ugu tunka weyn mucaaradka ayaa riyo beenaad ah u arko qorshaha madaxweyne Farmaajo oo ku doonayo in 2020/21 dalka kaga dhacdo doorasho qof iyo cod ah, halka beesha caalamka iyo qaar ka mid ah maamulada iyo Xisbiyada dalka doonayaan doorasho la isla ogol yahay oo waqtigeeda ku dhacda.

Arrinta ugu weyn ee la isku diidan yahay waa mudo kororsi oo haddii Farmaajo uu damco dalka khatar amni iyo mid siyaasadeedba gelin karta, waxaana qorshahaasi laga digay marar badan.

Shirka Dhuusamareeb3 oo lagu go’aamin laaha nooca doorasho ee la qaadanayo ayaa sida muuqata dib u dhac ku yimid, arrintaas oo fashil ku ah hanaanka la doonayo in dalka loogu abuuro jawi siyaadeed degan iyo in heshiis laga gaaro khilaafka hareeyay doorashada dalka.

Guusha Shirka Dhuusamareeb ayaa ku xiran sida uu u shaqeeyo guddiga farsamada oo dhiira-gelinaya qodobada la isku hayo ka hor inta aysan madaxda miiska isugu imaan.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo dhinac ah ayaa diidan qaabka hadda ay wax u socdaan,iyadoo guddigii farsamo ee ay magacaabeen ka qeyb ahayn xubnaha guddiga ee maalmihii u dambeeyay ku shirayay magaalada Muqdisho.

Beesha caalamka ayaa ka digtay in hal dhinac ay go’aan ka gaarto masiirka ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan arrinta doorashooyinka kuna baaqday iney saamileyda siyaasadda sida Dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo Xisbiyada dalka ka tashadaan arrimaha taagan,islamarkaana soo saaraan go’aan lagu mideysan yahay.