XOG: Shariif Sheekh Axmed Oo Loogu Tanaasulayo Hal Arin Awgeed

Murashaxiinta Mucaaradka Ee raadinaya Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga yaabaa ay utanaasulaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Suurta galnimada in ay codkooda iskugu geeyaan sidii Shariif Madaxweyne ugu guuleysan lahaa ayaa hadda warar la xiriira ay ina soo gaarayaan.

Maalin ka hor ayey Murashaxiinta waxay udoorteen Shariifka in uu gudoomiye unoqdo taas oo Xogheyn looga dhigay Xuseen Cabdi Xalane,halka Afhayeen Murashaxiinta ka dhigteen Ridwaan Xersi Maxamed.

Saami qeybsiga Beelaha Soomaaliyeed ayaa xilalka xitaa lagu saleeyey iyadoo Xuseen oo Jubbaland kasoo jeeda iyo Ridwaan oo Somaliland kasoo jeeda iyo Shariif oo Reer ahaan Muqdisho kasoo jeeda.

Si cad looma saadaalin karo cida heli doorta madaxweynaha Soomaaliya iyadoo Guuleed,C/raxmaan C/shakuur,Kheyre iyo Murashaxiin 10 Ka badan ay wada raadinayaan Xilka Ugu sareeya Dalka.

Iyadoo sidaas gacmo qabsi usameenayaan Murashaxiinta Mucaaradka Madaxweyne ayaa hadana waxay Madaxtooyada Soomaaliya isha ku heysaa wax walbo oo shirkaasi kasoo baxa.