XOG:Axmed Madoobe oo isku caleyma saaray madaxweynaha cusub waraaqna udiray Kenya iyo Itoobiya iyo wasiiro kuwajahan…

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shegaayo in casuumad u fidiyay madax katirsan dowlada Kenya iyo Somaaliya.

Axmed Madoobe ayaa labadaas dowladood u diray waraaq ku aadan in kasoo qeyb galaan caleema saarkiisa hadii oo kusoo baxo doorashada lagu wado in 24 bishaan kadhacdo Kismaayo.

Axmed Madoobe ayaa u cadeeyay labada dowlad in dib loosoo doran doono taasina oo kalsooni xoogan ka heysto barlamaanka cusub iyo shacabkiisa.

Kenya ayaa lasheegay in durbadii kasoo jawaabtay codsiga Madoobe tasoo u balan qaaday in usoo diri doonto wafdi heer wasiiro ah.

Isku soo wada duub Axmed Madoobe ayaa haatan isku caleyma saaray madaxweynaha afarta sano soo soto wallow dowlada soomaaliya sheegtay in aqoonsan doonin doorashadaas waxa kasoo baxa.