XOG:Axmed Madoobe oo looga yeeray in Muqdisho si khilaafka loo xaliyo balse ku jawaabay arin kayaabisay madaxda

Warar hoose oo lagu kalsonaan karo oo aan ka helnay gudiga kasocday Jubbaland ee la kulmay madaxda dowlada si losoo daayo wasiirka amniga maamulkaas ayaa haatan shegaayo xog cusub.

Xubin kamid ah gudigaas oo naga codsaday in aan magaciisa u isticmaalin warbaahinta ayaa sheegay in madaxda dowlada ka codsadayn Axmed Madoobe yimaado Muqdisho si oo qeyb oga noqdo wadahadalada balse maxoow ku jawaabay.

Xubinta xogta nasoo gaarsiiyay ayaa raaciyay in Axmed Madoobe la wadaageen in madaxda dowlada dooneyso in Muqdisho yimaado si wadahadalada qeyb oga noqdo balse Axmed Madoobe ayaa sheegay in imaan karin kana cabsi qabo in xabsiga ladhigo asagoo madaxweyne ah.

Axmed Madoobe ayaa yiri uma soo socda Muqdisho mana imanaayo ilaa dowlada u aqoonsato madaxweynaha rasmiga ee maamulka Jubbaland waxaana oo sii raaciyay in xiligaan oo dooneyn in xabsiga loogu geeyo saxiibadiisa kawada tirsanayeen maxkamadaha islaamiga sida Xasan Dahir aweys iyo Mukhtaar Roobooq.

Isku soo wada duub waxa bilihii ugu danbeyse aad u xumaa xiriirka udhaxeeyo dowlada sooamaliya iyo maamul goboleedka Jubbaland.