XOG:Beesha Habargidir oo Ra’isulwasaaraha cusub ku cadaadineyso sidii loo weerari lahaa Xasan Cali Kheyre kadib…

Warar lagu kalsonaan karo aan ka heleyno ilo u dhow dhow ra’isulwasaaraha cusub ayaa shegaayo in beesha habargidir ku cadaadineyso arin ku saabsan ra ‘isulwasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ra’isulwasaaraha cusub ayaa haatan waxa beeshiisa ku cadaadineysaa in sidii loo weerari lahaa Xasan Cali Kheyre madaama oo hore weerar ugu qaaday siyaasiga weyn Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Beesha ayaa damacsan qorshe loogu aargudaayo Cabdiraxmaan Cabdishakuur kasoo ku aadan ra’isulwasaarihii hore ee Soomaaliya kasoo hore u amray weerar lagu qaaday guriga MR Shakuur oo mucaarad weyn ku ahaa dowlada Nabad iyo Nolol.

Xogta aan heleyno ayaa raacineyso in Rooble lagu cadaadinaayo in oo xilka ka qaado taliyaha booliska ee gobolka Banaadir Saadaq Joon oo si dhow ula shaqeynaaye Xasan Cali Kheyre hadana fuliye weerarkii lagu qaaday xarunta xisbiga Wadajir oo hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Lama oga halka oo ku danbeyn doono damaca beesha habargidir oo ku saabsan aarsiga Xasan cali Kkheyre wallow nabadoona beeshaas haatan wadaan olole arintaas ku saabsan.