XOG:Khayre oo go’aan ka qaatay in DFS ay magdhow ka bixiso dadkii lagu laayey Baydhabo

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa lagu waramayaa in uu saacadihii lasoo dhaafey uu magaaladda Baydhabo kula kulmay qaar kamid ah odayaasha beelaha ay kasoo jeedaan dadkii lagu laayey Baydhabo, bishii December ee 2018-kii.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu u sheegay dhinacyadda in magdhow laga siinayo geerida dadkooda.

Hase ahaatee, mid kamid ah cuqaasha ka qeybgashay kulankaasi ayaa wuxuu saluug ka muujiyey balanqaadka ra’iisul wasaaraha oo uu ku tilmaamay mid kaliya ku koobnaa soo jeedin aysan la socon yabooh fulineed.

Dhinaca kale, kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Odayaasha beesha uu ka dhashay Mukhtaar Roobow, oo dowladda federaalka Soomaaliya ugu xiran magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Waxgaradka ayaa waxaa loo balanqaadey in lasoo sii deyn doono wadaadka, wallow aanan loo sheegin waqti cayiman, inkasta oo xog uu helay Badweyn ay sheegeyso in Khayre iyo Lafta Gareen isku raaceen in uu sii xirnaado.