XOG:MD Farmaajo maxoow 24 saac ugu danbeeyay la’yabanaa oo ku arkay madaxtooyada

Saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in shaqsiyaad caan ku ahaa madax jebiska laga dhex-qabtay Villa Somalia.

Illo wareedyo ayaa sheegaya in xubnahaan ay tiradoodu gaareysay illaa iyo afar, kuwaas oo hadda ku jirta gacanta dowladda.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa daboolka ka qaadaya in kadib dhacdadaan aad sarre loogu qaaday ammaanka madaxweyne Farmaajo.

Fahfaahinta ayaa qeexaysa in walwal badan ay lasoo dareystay madaxweynaha, isla markaana uu codsaday in nabad-gelyadiisa la adkeeyo.

Tani ayaa kusoo aadeysa xili mar sii horeysay uu Farmaajo uga guuray Madaxtooyadda cabsi ku aadan madaafiicda Al-Shabaab.

Hogaamiyaha dalka ayaa waqtigaas degay Wasaaradda Gaashaandhiga, halkaas oo muddo bilooyin ah uu ku qaatay.

Sikastaba ha ahaatee, ma cadda hadii kolkaan uu Farmaajo ka guuri doono Madaxtooyadda maadaama cadaadis adag uu wajahayo.