XOG:MD Farmaajo oo maalmaha soo socda soo magacaabi rabo Gudoomiyaha cusub gobolka banaadir(waa kuma)

Warar lagu kalsonaan karo aan ka helnay ilo u dhow dhow xafiiska madaxweynaha dowlada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa shegaayo in todobaadkan ame kan xigo soo magacaabi doono gudoomiyaha gobolka banaadir iyo duqa muqdisho.

Farmaajo ayaa qorsheynaayo in soo dej dejiyo magacaabista gudoomiyaha gobolka banaadir madaama culeysyo siyaasadeed ka heystaan gobolka banaadir.

Madaxweynaha ayaa doonaayo in soo magacaabo shaqsi loo babac dhigi karo olalaga siyaasadeed ee wadaan siyaasihiinta kasoo jeedo gobolka banaadir kuwaasi oo ku doonaayo maqaamka caasimada.

Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga shaqsiga oo Farmaajo soo magacaabi doono wallow masuuliyiin badan xilkaas ugu jiraan loolan xoogan balse laga yaabo in shaqsi kucusub siyaasada loo dhiibo.