XOG:Nabad iyo Nolol oo go’aan cad ka qaadatay madaxweynaha HirShabelle

Dowlad goboleedka HirShabelle ayaa wuxuu galayaa bilooyinka soo aadan doorasho dhanka madaxweynaha ah.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha haatan ee maamulkaas ayaa waxaa shaki la gelinayaa hadii uu isa soo sharixi doono.

Sababta ugu weyn ayaa waxay tahay Nabad iyo Nolol oo u sheegtay in aysan dooneyn in uu xafiiska kusoo laabto.

Wararka ayaa sheegaya in la qorsheynayo in lagu bedelo shaqsi kale kaasoo daacad u noqon doono xukuumadda.

Waare ayaa haatan taabacsan dowladda federaalka ah, waxaana la sheegayaa in mustaqbalkiisa uu mugdi ku jiro.

Sikastaba ha ahaatee, doorashadda HirShabelle oo bilooyin ay naga xigto ayaa lagu wadaa in ay noqoto mid aad loogu loolamo.