Xogta kulankii Rooble & Xubno beesha caalamka ah maanta ka yeesheen Doorashada

Ra’iisal Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble  ayaa waxa uu maanta kulan xafiiskiisa ah kula qaatay safiirada caalamka qaarkood ufadhiya Soomaaliya.

Rooble ayaa kulamo gooni gooni ah la yeeshay Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga & Ergayga  gaarka ah ee Norway Heidi Elburgi Johansen.

Waxa ay kala hadleen dhinacyadaasi R/wasaare Rooble dar dar gelinta Doorashada dalka ee uu hormuudka ka yahay.

Danjireyaasha waxay ballan qaadeen inay wixii taageero ah siin doonaan Xukuumada si loo garab istaago doorasho hufan oo la qabto.