XOG:Wiil oo dhalay Fahad Yaasiin oo si dirqi ah Oga baxsaday ciidamada Kenya xili oo kusugnaa

Mid kamid ah wiilasha uu dhalay taliyaha sirdoonka Soomaaliya ayaa si dirqi ah uga baxsaday booliska Kenya gaar ahaan booliska Nairobi.

Wiilkaas oo magaciisa lagu soo koobay Mahad ayaa ahaa mid ay ciidamadda Kenya mudooyinkii dambe aad ugu raadjoogeen.

Wararka ayaa sheegaya in Mahad uu deganaa huteel ku yaala magaaladda Nairobi uuna kusii jeeday dalka Qadar.

Booliska ayaa huteelka tagay saacado kadib markii uu isaga baxay guud ahaan waddankaas dhaca Geeska Afrika.

Tani ayaa kusoo aadeysa xili uu khilaaf u dhaxeeyo Villa Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan muranka dhanka xuduudka.

Xukuumadda Nairobi ayaa horey u sheegtay in Fahad Yaasiin uu haysto Baasaboor Kenyan ah ayna baareyso qaabka uu ku qaatay.