XOG:Xisbiyada Shariif,Xasan Sheekh,Kan CC Warsame Oo Doorashada 2021-ka Ka Qeyb geli doonin!!

Xisbiyada Siyaasadeed Ee Dalka ka jira ayaa maray hanaankii loo baahnaa waxaana siyaabo kala duwan loo diin waan geliyey.

Gudoomiyaha Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) ayaa sheegtay in Doorashada Ka gudi ahaan ay udiyaar garoobeen.

Waxay ka qeyb gashay Dood wadaag lagu qabtay Muqdisho saacado ka hor waxaan aay shaaca ka dhigtay inay Hanaanka Doorashada Udhici laheyd iyo Jadwalkeeda uu dhawaan soo bixi doono.

Villa Soomaaliya ayaan weli Cadeynin Qaabka Doorasho Ee Soomaaliya ka dhaceyso 2020-2021-ka iyadoo wax ka yar sanad Xukunka uu kaga harsan yahay Madaxweyne Farmaajo.

Gudoomiye Xaliimo Yareey waxay madashaas dood wadaaga ka sheegtay in Xisbiyada Dalka aysan ka qeyb geli doonin Doorashada 2021-ka Sabab jirta in aysan weli Dalka udiyaar aheyn Nidaamka Axsaabta Badan.

Tani waxay dhabar jab ku noqoneysaa Xisbiyada Jira oo ay Labo ka mid ah Hogaamiyaan Madaxweynayaashii Dalka soo maray Waa Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Ma Cada go’aanka xisbiyada uu ku jiro Midka C/raxmaan C/shakuur Warsame ka qaadan doonaan Hadalka Kasoo yeeray Gudoonka Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

In muddo ah waxaa lagu xamanayey Gudigaasi inay ujan jeeraan Hay’ada Fulinta Soomaaliya Ee Madaxweyne Farmaajo ugu madax sareeyo balse Xaliimo Yareey ayaa iska bari yeeshay Eedaas loo jeediyey Gudigooda.