Yaa Xaq u leh oo hoggaaminaya Galmudug (Ma Aqlabiyad Mise Muran Badni)?

Hannaanka dhismaha Dowlad gobaleedka Galmudug waxaa lagu saleeyay 11 beelood inkasta oo aan la ogeyn cidda lag soo xigtay shaxdaas hadana qaybtaas sida loo dhigay looma raacin ee meeshii ayaa looga tegay waxaana hoggaankii gacanta loo geliyay cid aan xaq u laheyn sida aad ku ogaan karto hannaanka wax loo qaybsaday oo qormadaan qayb ka ah.

Waa kuwee beelaha Galmudug saami qaybsiga ku leh?

In kasta oo markii horaba aan qaybsiga caddaalad loo marin oo qabiil is qaybiyay beelo loo aqoonsaday, beelaha wax qaybsiga lagu saleeyay ayaa kala ah Marriixaan Murusade, Saruur, Duduble, Sacad, Dir, Ceyr, Waceysle, Saleebaan, Shiikhaal, beesha Shanaad

Sababta 11kaan beelood loogu saleeyay saami qaybsiga dowlad gobaleedka Galmudug, ayaa  ahayd in beel waliba saami la ogyahay oo jaan gooya qaybteeda ay halkaas ka dusha ka saarato.

11 beelood iyo 89 xildhibaan?

Hadii la raaco oo la dhaqan geliyo qaabka lagu qaybiyay xildhibaannada, waxaa aqlabiyadda yeelanaya qabiilka ugu xildhibaannada badan, wax qaybsiga ka dambeeyana sidaas ayuu ku suconayaa, hase yeeshee maamulkii aan shaqeyn ee afartii sano hore jiray qaabkaas kuma dhisneyn, waxaana la baal maray awood qaybsiga inkasta oo ay suuragal tahay in bulshada deegaanku xal iyo dab damis u arkayeen

Sidee loo qaybsaday xildhibaannada dowlad gobaleedka Galmudug

Beesha Mariixaan ayaa heshay saamiga  ugu badan oo qaadatay 16 xildhibaann, Murusade ayaa 12 helay oo ku xigsaday, Waceysle, Duduble iyo Dir min 8 ayaa laga safay, Saleebaan waxa uu ka kali noqday 7, Sacad, Ceyr iyo Saruur ayaa min 6 ku ekaaday,  Shiikhaal iyo beesha shanaad oo qaybta hoore ka hoggaaminaya ayaa min shan ku ekeestay waxaana jira laba xildhibaan oo la kala siisay Wadalaan iyo Xaskul Hawiye sidaas oo tiradii guud ee 89-ka aheyd lagu kala lahaaday.

 Iyada oo lagu saleynayo sida wax loo qaybsaday yey ahayd in ay hoggaanka la haadaan?

Mariixaan ayey aheyd in hoggaanka loo dhiibo, Murusade ay la haadaan qaybta ku xigta sedaxda beelood ee Duduble, Dir iyo Waceyle loo qori tuuro si loo kala saaro oo qaybta loo wado ilaa hoos la gaaro.

Sidaasi ma dhicin ee markii 11 qabiil wax lagu qaybsaday ayaa dhan kale la isu rogay oo beela isu tegay ay isku sheegaan in ay yihiin hal beel oo hoggaanka iyo wax waliba isu rabta, arrintaas oo ay suuragal tahay in beelihii aysan ku baraarugin.

Beelaha qaybta dhexe uga jira saami qaybsiga ayaa isku darsaday Caasimaddii dowlad gobaleedka, madaxweynihii, guddoomiye ku-xigeen baarlamaan, labada guddoomiye ee goballada Galguduud iyo Mudug, inta badan wasiirradii dolwad gobaleedka iyo taliyayaasha ciidanka.

Marka wax la qaybsanayo beela Shan ah, marka qaybta la helana hal beel oo Aqlabiyadda leh

Habar-gidir oo kamid ah beelaha Galmudug markii wax la qaybsanayay oo saamiga Galmudug la kala goosanayay waxa ay isu bedeshay shan beelood (Duduble, Saleemaan Ceyr, Sacad iyo Saruur) ,si ay saami badan ku qaadato maadaama ay dadka kale ka wax doon badantahay, beelaha qaybtu kala dhexeysa badankoodna ay u badanyihiin bulsho jecel si kasta haloo kala sed buursadee in arrinta markaas taagan heshiis uun laga gaaro oo arrintu dhinac u dhacdo.

Saami qaybsiga kadib waxa ay hadana lasoo bexeen waji kale oo ah in ay Habargidir yihiin oo ay heystaan saamiga ugu badan, sidaa darteed ay iyagu xaq u leeyihiin wax walba inta kalana wixii ay u gartaan ay ku ceymiyaan.

Murusade, Mariixaan iyo Habargidir iyo Saami Qaybsiga Heer Federaal

Mariixaan marka uu wax la qaybsanayo Daaroodka kale waxa ay la mid yihiin oo ay si siman wax ula qaataan beelaha kale, Habar-gidir iyo Mursade iyana marka Hawiye la joogo waa laba qabiil oo siman, hase yeeshee su’aasho waxa ay ka taagantahay marka Galmudug la joogo maxaa Habar-gidir Qabiilla badan ka dhigay? Hadiisa laga maarmi waayay oo lagu qancay in qabiilla badan loo qaybiyay maxaa hadana keenay in aqlabiyad aysan laheyn loo ogolaado?

Su’aashaas jawaabteeda waxa aan u deynayaa beelaha dega Galmudug ee hadda foodda isku dari doona gogosha ka fidsan Dhuusamareeb ee sheegashada badan lala imaan doono.

Laba mar oo wax la sixi karay oo laga baaqsaday

Markii ugu horreysay ee saami qaybsiga la sameynayay waxa ay aheyd in la diido beelaha is qaybinaya, hadii aan laga maarminna waxa ay aheyd in beelaha dhan sidaas oo kale loo sii qaybiyo maadaama beelo markii hore isku saami ahaan jiray qaarna beelo loo sii qaybiyay qaarna sidoodii lagu dhaafay.

Wajigaas hadii lagu soo guul darreystay waxa ay aheyd in markii saami qaybsigu soo dhamaaday ee xildhibaannada la qaybsaday aan la ogolaan in beelo ay is-mideeyaan oo aqlabiyadda magac aan qaybta ku jirin ku qaataan beelihii aqlabiyadda lahaana sidaas hoggaankii ku waayaan.

Hadii Shalay wax la qalday maanta Fursadda Dib-u-heshiisiinta iyo Xal Cusub

Afartii sano ee Galmudug jirtay ma suura gelin in maamulku uu si wanaagsan u shaqeeyo oo horay wax loo dhaqaajiyo, waxaana taasi sababtay in aan laga maarmin dowladda federaalka si mar kale dib loogu soo billaabo dhismaha Galmudug loo dhanyahay, waxaana Dhuusamareeb laga fidiyay dib-u-heshiisiin la doonayo in beelaha Galmudug hadda wax ay ogyihiin isla meel dhigtaan si loo helo maamul dadka dhan ku qanacsanyihiin.

Gogoshaan iyada oo cid walba dani ugu jirto waxa ay si gaar ah faa’iido ugu tahay beelaha shalay laga sad buursaday ee la afleyda lala dheelay, kuwaas oo hadda awooda in ay bedelaan qaabkii hore ee 11-ka beelood hadii ay awoodi waayaanna shirka ka caddeeyay in 11-ka beelood ee qaybtu ku saleysantahay tan ugu saamiga badan hoggaanka qabato, cid waliba qaybta uga soo aaday 89-ka xildhibaan ay ku ilaaliso saamiyadeeda dambe.

Caqabad ma imaan doontaa?

Sida caadadu tahay, marka qof ama bulsho waxa ay horay u heesteen la doonayo in laga qaado, waxaa ka hor imaanaya diidmo xooggan, waxa ayna ka dhib badantahay marka arrin meel cidla ah laga billaabayo oo wax saami la qaybsanayo.

Iyada oo taas la tix raacayo qolooyinka is lahaysiiyay Galmudug oo iyagu caasimaddii iyo madaxweynihii sida loo qaadanayo kaligood u shaxaya oo gogoshii dib-u-heshiisiinta qaarkood ka biya diidayaan, ma dhici doonto in keena iyo hoo ay isku xijiyaan, waxana suuragal ah ka doodidda arrintaasi ay caqabad wayn ku noqoto hannaanka geedi socodka shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug.

Gunaanad:

Marka dad ay shirkoobaan oo ay wax isku darsadaan, qof kasta oo shirkadaas ku jira waxa uu faa’iidaa ama qasaaraa hadba inta uu ku darsado shirkada, waana sababta keenta in hoggaanka shirkaddaas loogu dhiibo qaybta ugu saamiga badan, sidaas si lamid ah waa in Galmudug sidaas saamigeeda lagu qaybiyaa ama sida ganacsiga Bakaaraha ee aan xisaabta laheyn lagu wadaa.

Reer Galmudug dhammaan hadii shalay ay u arkeen xal in saami qaybsiga lagu tunto, maanta meel ay ka qaba karaan oo ay xuquuqdooda cadaalad ku qaybsa karaan ayey joogtaaye yaan la qasaarin.

Beesha Habar-gidir ee saami ee laba afleyda dheeleysa, dadka kale ee wax la leh haku xisaabtanto oo laba waddo mid haku timaado: 1) Hal Beel oo aqlabiyad leh 2) shan bee loo saamiga ay heestaan wax ku qaata, waddo sedaxaad maya.

Dowladda federaalka iyo guddiga qaban-qaabada dib-u-heshiisiinta Galmudug waxaa u taalla shaqo adag iyo in ay u kala gar-qaadaan beelaha saami qaybsigooda ku takri faleen maamulkii ka horeeyay ee qoor qabashada iyo turxaan bixin la’aanta maamulka ugu dhisay.

W/Q Nuur Xasan